Abwaan Baddal Jaamac Xirsi oo ka mid ah madax dhaqameedka Beelaha Hawiye ayaa caawa lagu toogtay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in dabley hubaysani ay dileen abwaan Badal xilli uu ka soo baxay Masaajid ku yaalla degmada Kaxda oo salaadii Makhrib uu ku soo dukaday sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.
dableyda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana halkaas gaaray daqiiqado ka dib ciidamada amaanka DF oo baaritaano wada.
Abwaanka ayaa ka mid ahaa Suugaanyahanada Soomaaliyeed ee dareenkooda sida geesinimada leh ugu cabira xaaladaha adag ee ka jira, waxaana geeridiisa ka naxay dad badan oo si weyn u garanayey.
La soco faahfaahinta