Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo qodobo muhiim u ku heshiiyay

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa qodobo muhiim u ah labada dal ku heshiiyay, kadib kulan taariikhi ah oo Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea ku yeesheen magaalada Asmara.

Xiriirka labada wadan u dhaxeeyay ayaa go’ay 20-sano kahor kadib dagaal xoogan oo labada dhinac dhax maray, waxaana gabi ahaan meesha ka baxay xiriirkii Diblumaasiyadeed iyo midkii ganacsi ee labada wadan u dhaxeeyay.

Labada Wadan Hogaamiyaashooda ayaa u muuqda kuwa doonaya in laga gudbo colaadii labada wadan u dhaxeysay, waxa ayna hada ka fekerayaan sidii mar kale loo soo celin lahaa xiriirka labada wadan u dhaxeeyay kahor dagaalkii dhax maray 1998-dii.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaia Afwerki ayaa ku heshiiyay in dib boorka looga jafo xiriirka Diblumaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada wadan u dhaxeeyay.

Hogaamiyaasha Labada dal ayaa sidoo kale waxa ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo khadadkii taleefoonada iyo duullimaadyadii tooska ahaa ee isaga kala gooshi jiray labada wadan .

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay sidoo kale ku heshiyeen labada wadan in midba dalka kale uu ka furto safaarad, waxa kale uu xusay in dowladda Eritrea ay u oggolaatay inay adeegsadaan dekedaha dalkaasi.

Safarkii shalay dalka Eritrea ku tagay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa ahaa mid taariikhi ah, waxa uuna noqday Ra’isul Wasaaraha Isbadal doonka ah masuulkii ugu sareeyay oo ka socda dowlada Itoobiya ee taga Eritrea mudo 20-sano kadib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Marko (Sawirro)

Caydiid Ali

Go’aano kasoo baxay Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Somaliland

Cabdi Cade

Qarax khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay maqaayad kutaalla Muqdisho

Cabdi Cade