Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho soo gaaray lana kulmay Xasan Sheekh (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo xubno la socda ayaa maanta safar shaqo kusoo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Airport kusoo dhoweeyay Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, qaar kamid ah Xildhibaanada Dowladda Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale.

Dhanka kale Madaxweynaha waxa uu garoonka diyaaradaha ee aadan cade kula kulmay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay iska wareysteen xaaladaha guud ee dalka.

Safarkan shaqo uu Muqdisho u yimid Cali Guudlaawe ayaa kusoo aadaya xilli Hirshabelle aysan soo gabagabeyn doorashada gollaha shacabka laguna wado isbuuca soo socda in la doorto guddoonka labada aqal.

 

Related posts

(Akhriso) Gudoomiye cusub oo loo magacaabay degmo ka tirsan Sh/dhexe

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Al-shabaab oo sheegatay iney ku dhowaad 100 askari ka dileen Liyu Boolis

Caydiid Ali

Musharax caan ah oo katirsanaa Golaha Midowga Musharaxiinta oo geeriyooday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---