Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo oo weerar ku qaaday Guriga Cismaan Macalimuu

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo u abaabulnaa qaab beeleed ayaa xalay weerar ku qaaday guri uu magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ka degan yahay Guddoomiyihii hore ee gobolkaasi Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu).

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay xilligii suxuurta gurigiisa kusoo weerareen ciidamo milatari ah uu sheegay in ay ku heyb yihiin Madaxweyne Farmaajo .

Macalimuu ayaa sheegay in ciidamada soo weeraray ujeedkoodu ahaa in ay dilaan balse uu ka badbaaday, waxa uuna xusay in shirqoolka isaga ka dhanka ahaa soo maleegeen saraakiil iyo xubno kale oo jufo hoose la ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Siyaasigan ayaa mar kamid ahaa dadka sida aadka ah ugu dhawaa Madaxweyne Farmaajo kana hirgalinayay gobolka Gedo rabitaanka Madaxweynaha, hasa ahaatee Macalimuu ayaa waxaa xiriirka u jartay xilkiina ka qaaday Villa Soomaaliya .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne la been abuuray saxeexiisa, kaddib markii uu diiday inuu shuruuc xasaasi ah saxeexo

Cabdi Cade

Dilkii Argagaxa lahaa ee loo geestay George Floyd oo Furay Albaabada Sharta !!

Cabdi Cade

Maxkamada Caalamiga ah ee danbiyada oo baaritaan ku bilowday Madaxweyne caan ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---