Allbanaadir.com
NEWS

Foodo laga cabsi qabo in maanta ka dhacdo Kulanka Baarlamaanka iyo cida abaabuleysa

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta fadhi wadajir ah ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa si ay uga doodaan go’aana uga gaaraan xeerka doorashooyinka guddoonka labada Aqal.

Guddiyada doorashada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka oo shalay yeeshay kulan wadajir ah ayey isku raaceen jadwal doorasho iyo habraac loo marayo, waxa ayna guddiyada doonayaan in fadhi wadajir ah kusoo bandhigaan si loo ansixiyo xeerka.

Kulamo xalay ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu abaabulayay fashilinta kulanka wadajirka ah ee maanta yeelanayaan xildhibaanada labada aqal si aan la isugu raacin dedejinta doorashada lagana shaqeeyo in dib loo dhigo doorashada guddoonka labada aqal.

Xildhibaanada taageersan Villa Soomaaliya ayaa wada abaabul ay ku doonayaan in ay ku fashiliyaan kulanka maanta lagana sameeyo xarunta Villa Hargeysa foodo si aan loo ansixin xeerka doorashooyinka guddoonka labada aqal.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo kaa shanaya madaxda dowlad goboleedyada taageersan ayaa la sheegay in ay gadaal ka riixayaan fashilinta kulanka wadajirka ah ee maanta yeelanayaan labada aqal si doorashada dib ugu dhacdo.

Waxaa maanta isha lagu wada hayaa kulanka wadajirka ah ee isugu imaanayaa xildhibaanada labada aqal, waxaana dadku kala baran doonaan xildhibaanada doorashada diidan iyo kuwa taageersan in dalka doorasho degdeg ka dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Muxuu wasiir Wartaag ku soo arkay Matxafka Marshal Tito? (Sawirro)

Caydiid Ali

Hooyo Soomaaliyeed oo gowracday ilmaheeda oo lagu riday xukun adag

Cabdi Cade

Shabakad ka shaqeeneysay tahriibinta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---