Maamulka Degmada Dharkeenley iyo Ciidanka Booliska Saldhiga Dharkeynley ayaa caawa waxay si wadajir ah u fuliyeen Howlgal ka dhan ah Cayaal Weerada dhibaatada ku haya Bulshada Deegaanka.
Howlgalkan ayaa lagu soo qabtay dhalinyaro aad u fara badan kuwaasoo ku eedeysan inay ka mid yihiin Ciyaal weerada iyo qaar gacanta lagu soo dhigay iyaga oo gacanta kula jira ka qeyb qaadashada weerada, kuwaasoo laamaha Amaanka ay la wareegeen si sharciga loola tiigsado.
Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Guhaad Sheekh Xasan Cali ayaa sheegay inay wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah cayaal weerada, asigoona dhinaca kale fariin u diray waalidiinta ku dhaqan Degmada Dharkeynley si ay gacan uga siiyaan Maamulka ka hortaga Dhalinyarada dhibaatada ku heysa Bulshada.
Ciyaalkan oo hubeysan mindiyo, dhagxaan iyo waxyaabo kale ayaa caadeystay mudooyinkan iney dhexdooda dagaalamaan iyagoo u qeybsan kooxo iska soo horjeeda, waxayna sidoo kale dhibaato xooggan u geysteen dad aan waxba galabsan.
Habeen hore ayey aheyd markii wiil dhalinyaro ah lagu dilay degmada Dharkeynley kaasoo ka tirsanaa ciyaar weerarada ka dib markii ay dileen ciyaal kale oo ay iska soo horjeedeen, waxaana ciyaal weerada qeylo dhaan xoogan ka muujiyey dadka degaanka.