Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Farmaajo uu fowdo la damacsan yahay kulanka labada Aqal ee beri?

Xildhibaan Mahad Salaad Maxamed oo ka tirsan golaha shacabka ayaa shaaciyey in Madaxweyne Farmaajo uu wado qorshe uu ku baajinayo kulanka xubnaha labada aqal ay beri ku yeelan doonaan magaalada Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa xusay in Farmaajo uu talaabadaas u adeegsanayo xildhibaano isaga taageersan oo uu caawa la kulmay.

“Farmaajo ayaa caawa abaabulaya Xildhibaano beri fowdeeya kulanka Baarlamaanka, si doorashada guddoonka Baarlamaanka dib ugu dhacdo” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

“Waa qar-iskatuurnimo iyo isqarxin siyaasadeed. Waan hubaa inuu ku fashilmi doono siduu horay ugu fashilmay iskudayo nuucaan oo kale ah” ayuu hadalkiisa ku soo afjaray Mahad Salaad.

Kulanka Baarlamanka ee beri ayaa lagu wadaa in lagu shaaciyo jadwalka doorashada guddoonka Baarlamanka.

Farmaajo ayaa doonaya inaan la qaban doorashada gudoonka baarlamanka inta Maxkamada sare ay ka fasaxeyso kursiga Fahad Yaasiin oo ay ku dhegan yihiin guddiga doorashada ee FEIT si aysan u dhaafin doorashada gudoomiye kuxigeenka baarlamanka oo Fahad uu si weyn u daneynaayo.

Dhinaca kale, RW Rooble ayaa gadaal ka riixaya qorshaha lagu dedejinayo in la qabto doorashada guddoonka Baarlamanka, si kursiga guddomiye ku-xigeenka baarlamanka loo dhaafiyo Fahad Yaasiin.

Waxaa uu Awoodiisa oo dhan isugu geynayaa sidii degdeg loogu qaban lahaa liiska musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka inta ay socoto dacwada Fahad Yaasiin ee Maxkamada sare oo bilaabaneysa 19ka bishan

 

Related posts

Beesha Carab Soomaali oo Dowlada ka dalbatay in loo diyaariyo Diyaarado ay dalka uga baxaan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Xassan Shiikh oo dalab culus hor dhigay wakilada beesha caalamka ee Somalia

Caydiid Ali

Ciidamo katirsanaa Duufaan oo Dib ugu laabtay Al Shabaab iyo Cabsi kusoo korortay Muqdisho

admin
Taboola Ads ---