Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubnaha labada Aqal ee Baarlamanka cusub oo beri kulan xasaasi ah yeelanaya (Ajendaha)

Maalinta barri ah Waxaa magaalada Muqdisho kulan Wadajir ah ku yeelanaya xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacaya xarunta golaha shacabka Soomaaliya oo ku taalla xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Ajendaha kulanka looga hadlay ayaa ah labo qodob oo kala ah, Warbixin kooban oo laga dhegeysanayo guddiga qaban-qaabada doorashada gudoonka labada aqal iyo baahinta jadwalka.

Sidoo kale, waxaa kulanka beri looga hadlayaa Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha sida lagu sheegay qoraal caawa ka soo baxay xafiiska warfaafinta aqalka sare.

Related posts

Dalkii 3-aad caalamka oo laga helay nooca cusub ee Viruska Coronavirus

Caydiid Ali

Dad ajaaniib ah oo lagu dilay duleedka Hargeysa & Booliska oo ka hadlay

Caydiid Ali

Madaxweynihii ugu da’da weynaa dunida oo geeriyooday isagoo 95 sano jir ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---