Allbanaadir.com
NEWS

Gabar 18-sano jir ah ka careesiisay Shacabka iyo dowlada Iiran oo la xiray (Daawo Sawirro)

Gabar 18-sano jir ah oo u dhalatay dalka Iiraan caana ka noqotay baraha bulshada gaar ahaan barta Instagram ayaa la xiray, kadib markii ay bartaasi ku baahisay muuqaalo ay dhibsadeen kana caroodeen shacabka iyo dowlada Iiraan.

Maedeh Hojabri ayaa barteeda Instagram soo dhigtay muuqaalo badan iyada oo  xiran funaanad iyo Sulwaal sidoo kale ciyaareysa ciyaaraha dalkeeda iyo sidoo kale ciyaaraha loo yaqaan khoob ka ciyaarka ee laga dheelo wadamada Reer Galbeedka.

Muuqaal laga baahiyay Telefishinka dalka Iiraan ayaa lagu sheegay in gabadhan ay baahisay muuqaalo sumcad xumo ah oo niyad jab ku riday dadka Iiraan , waxa ayna gabadhaasi ku tilmaameen in ay dooneysay in ay caan noqoto.

Booliiska Iiraan ayaa daba gal dheer waxa ay aqoonsadeen xabsigana dhigeen gabadhan muuqaalada ku baahisay baraha bulshada, waxa ay sidoo kale booliiska hawada ka saareen barteeda  Instagram iyo baro kale oo magaceeda lagu sameestay.

Baraha bulshada ayaa taageero badan loogu muujiyay gabadhan ay xireen booliiska Iiraan, waxaana dhalinaro badan sameeyeen astaan gabadhaasi ku taageerayaan iyaga oo soo qorayay khoob ka ciyaarka dambi maahan.

Dalka Iiraan waxaa ka jira sharciyo adag oo dhinaca haweenka aad u khuseeya, waxaana laga ogoleyn in haweenka dalkaasi ay jirkooda qaawiyaan sidoo kale baraha bulshada ku baahiyaan muuqaalo anshax xumo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Villa Somalia oo Cadaadis xoogan kala kulmeysa Qorshaha Muddo kororsiga

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar xooggan oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Caad

Cabdi Cade

Ganacsade lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---