Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Ballan qaad u sameeyay Guddiga Doorashada Heer Federaal (Sawirro)

Madaxweynaha  Jubaland Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.
 
Kulanka labada dhinac dhax maray ayaa looga wada hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee laga dhigay Magaalada Ceel-Waaq iyo sidii loo dardar galin lahaa qabsoomida doorashadaasi.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa  balan qaaday in Jubaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin sidii loo dhameestiri lahaa doorashada gollaha shacabka ee Jubbaland ku harsan.
Guddiga doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed Jubbaland ayaa sidoo kale la filayaa in ay tagaan magaalada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo, si halkaasi uga qaban qaabiyaan doorashada 16-ka kursi ayna korjeegteeyaan guddiga heer federaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

https://www.youtube.com/watch?v=fTRUX_QOROk

Related posts

Qarax Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Rasaas la maqlayo

Cabdi Cade

Israel oo qaaday tallaabo jawaab u ah hadalkii kasoo yeeray Antonio Guterres

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo u kuurgalay hannaanka ay u socdaan is diiwaangelinta cod-bixiyayaasha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---