Wariye Maxamed Cumar Baakaay oo ah Wariye caan ah oo Bulshada Magac ku leh mar aan kula Kulmey Agagaarka Tree Biano ee Wadada Maka Al-Mukarama ayuu aad uga Cawdey Hees u hore u badeley oo ahayd DUCEYSANE WIILKEYOW oo uu sheegey in la qaadey xili uu ahaa Ardeydii Gurmadka Mashaariicda Qaran oo uu ka Howgaley Tuulada KUDHAA Jubada Hoose Sannadkii 1984 tii .
“ Marka Hore waxaan ka raaligelinayaa Bedelkii aan hore ugu sameeyey Heestaas hase yeeshee waxaa uu sheegey in Ujeedka uu heesta u badeley ay ahayd in uu Dhalinyarada ka Guubaabiyo dagaalada Sokeeye Sannadihii Sagaashammeeyadii markaas oo uu sheegey in Heesta uu u bixiyey Duleysane Wiilkeyow ”
Wariye Baakaay Waxaa uu sheegey in aad uga Xumaadey in Heestii uu hore u badeley ee DULEYSANE WIILKEYOW in Maanta loo Adeegsado Siyaasiyiin Magac ku leh Bulshada Soomaaliyeed sidaa darteed waxaan ka Raaligelinayaa ariintaas ee bedelka Heesta, Cidii Sameyseyna waxaa uu sheegey in mar lala Xiaabtami Doono
Heestii Duleysane Wiilkeyow iyadoo Qoraal ah halkaan ka Akhriso
Duleysane Wiilkeyow
Anigoo Qori wataan Ku dhalay.
Dabadeed waxaan Gatay Dhashiike
Anigoo weligey Zuu Wadaniyo.
Jiibaan kuugu soo korshoo,
Dalkeyga intaan Duminaayey
Ugaaskey Daaro Jeexday.
Adaan kugu Daalay Aabe.
Dartaa Rasaastaan u riday.
Rabigey iguma Dilinee.
Dib baan kaaga sheegaa
Markaad Tarazate Dhameysay.
Adoon Al-Cabaas u Hiloobin
Inaad Qabiil Daafac noqoto.
Hadaad dooratoo jeclaatay.
Hoobiyaan kugu duceeyey.
Aabe Aduunkan intaad Duljoogtoo.
Tareeso yaryareysi Malahee.
Haduu Rabi Hub kuugu Deeqo.
Ha noqon Doqon Fulay ahaadaa.
Beebeeshee yaan laguugu Xamaan.
Daba Jeex weligaa lahoow.
Isbaaradana Tixgeli.
Dagaalada Daacad u ahow.
Hadiidine tolkaaga raac.
Qabiilkaa Nafta u hibee.
Waxaan Daf iyo Hirig ahayn.
Duleysanow kuugu ma ogi.
Murtidu Duugoobi meysee.
Adiga iyo inta kula Duleysan.
Dardaaran idiin Kaga dhigayaa
Macnaha Ereyada Qaar.
1-Dhashiike (Waa Qori inta badan lagu Xiri Gaariga Cabdi Bilaha)
2- Zuu (Waa Qori Weyn oo isna waxaa qaada Gawaarida waa weyn waagi hore Diyaaradahaa lagula dagaalami Jirey) Hadda Dadka ayaa loo isticmaalaa)
3- Jiib (Waa Qori weyn oo Madfac uu ka dhaco)
4- Tarazate (Waa Qori Weyn oo isna waxaa qaada Gawaarida waa weyn waagi hore Diyaaradahaa lagula dagaalami Jirey) Hadda Dadka ayaa loo isticmaalaa)
5- Al-Cabaas ( Waa Qori ku Rakiban Baalasha Diyaaradaha Dagaaalka oo Baas u Dhaca marka USC inta Diyaaradihii ka soo Furtey Bay Gawaari saareen , Dhawaqiisana waa mid aad looga argagaxo.Magaca Al-Cabaas USC ayaa u bixisey
6- Tareeso ( Qoryaha yar yar sida AK-47) ayaa laga Ridaa waana rasaas habeenkii Ifta oo Guduud bixisa )
7- Beebeeshee ( waa Qori marka la fiiriyo dhinaca dagaalka aad buu u liitaa marka Qofka sita waa lagu caayaa )
8- Daba Jeex ( Waa Qori Silis leh oo Dagaalada aad ugu Wanaagsan waaxaa uu Siliskaas uu Xambaaraa ilaa Shan oo Xabbo oo Rasaas ah )
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Tel 00252615532494
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com