Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xaafada MBC ee degmada Hodan waxa ay ku toogteen Yuusuf Daahir Khayre (Yuusuf Dhoore) oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed kuwooda caanka ah.
Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa nabadoonka ku dhuftay dhoor xabadood, waxaana nabadoonka oo dhaawac culus soo gaaray loola cararay isbitaalka Digfeer halkaas uu markii dambe ku geeriyooday
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in nabadoonka la dilay oo caan ka ahaa xaafada MBC uu kamid ahaa ergadii dhawaan wax kasoo xulay ergada soo dooratay xildhibaanada cusub ee gollaha shacabka.
Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay howlgalo aysan wax natiijo ah kasoo bixin, waxaana goobta mar hore isaga baxsaday looxdii dilka geesatay.
Al Shabaab ayaa horey ugu hanjabtay in ay dileyso cid kasta oo wax kasoo doorata xildhibaanada gollaha shacabka, waxa ayna Al Shabaab horey u dileen odayaal iyo dad kale oo kamid ah ergooyinkii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ
https://www.youtube.com/watch?v=fTRUX_QOROk