Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Ruushka oo xoojiyey duqeynta ay ku hayaan caasimada Ukraine ee Kyiv (Sawirro)

Ciidamada Ruushka ayaa xoojiyay duqeynta ay ku hayaan magaalada Kyiv iyo galbeedka dalka Ukraine

Taliska militariga ee Ruushka ayaa ka digay duqaymaha dib u soo cusboonaada ee caasimadda Ukraine. Saraakiisha Moscow ayaa sheegay in ay beegsanayeen goobaha ciidamada,

Hooyo ayaa ku ooyday meydka wiilkeeda oo 15 jir ah ka dib markii gantaallo ay ku dhaceen xaafad la deggan yahay oo lagu magacaabo Kharkiv, oo ah magaalo ku taal waqooyi-bari. Ilmo yar iyo ugu yaraan siddeed qof oo kale ayaa dhintay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Caasimada Kyiv, maamulka Ukraine ayaa sheegay in la helay meydadka in ka badan 900 oo rayid ah, kuwaas oo intooda badan la toogtay, tan iyo markii ciidamada Ruushka ay dib u gurteen laba toddobaad ka hor.

Qiiq ayaa mar kale ka kacay caasimadda mar kale subaxnimadii saaka iyadoo duqa magaalada Vitali Klitschko ayaa kula taliyay dadkii magaalada ka qaxay markii hore ee dagaalku ka dhacay in aysan dib u soo laaban.

 

Related posts

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo loogu baaqay in ay hor yimaadaan Baarlamaanka si ay …

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo kasoo horjeestay Heshiiska lagu tilmaamay midkii Qarniga

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo Magacaabay Guddi qaban qaabiya Shirka Dib u heshiisiinta K/Galbeed (Akhriso)

Caydiid Ali