Xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda Somalia ayaa Maxkamadda sare ka dalbaday inay gebi ahaanba diido dacwadda uu soo gudbiyay Qareenka Fahad Yaasiin ee ku saabsanaa kursiga HOP086.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Garyaqaanka guud ayaa sidoo kale Maxkamada sare looga dalbaday iney ayido go’aanka Guddiga doorashooyin heer federaal ee ahaa in lagu celiyo qabashada Kursigaas.
Garyaqaanka oo xiganayay dhammaan heshiisyadii doorashada ayaa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo meesha ka saaraya waxyaabaha uu ku doodaya qareenka Fahad Yaasiin.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA XAFIISKA GARYAQAANKA GUUD EE DOWLADA