Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Doorashada Kursi ka mid ah Golaha shacabka oo ka dhacday Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa galabta lagu qabtay doorashada kursiga HOP106 ee golaha shacabka Soomaaliya kaasoo ay ku tartamayeen afar musharax

Murashax Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole  ayaa ku guulaystay kursigan ka dib markii uu keenay codadkii loo baahnaa oo in ka badan boqolkiiba konton.

Murashaxiinta ayaa codadka u kala helay sida tan;

  1. Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole 56
  2. Bashiir Maxamed Yuusuf 20
  3. Fowziya Sheekh Cali Maxamuud. 0
  4. Yahye Abuukar Aadan. 25

Xaadoole oo horey mar u soo noqday Gudoomiyaha degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sidoo kale ka mid ah saraakiisha ciidamada

Hirshabelle ayaa qorsheyneysa iney maalmaha soo socda ku qabato doorashada kuraas tiro yar oo ka dhiman golaha shacabka Somalia.

 

Related posts

Ciidamo la wareegay Xarumaha muhiimka ah ee Jigjiga & xiisad ka taagan

Caydiid Ali

Booliiska Soomaaliya oo wargelin muhiim ah u diray shacabka

Cabdi Cade

Maamul cusub oo loo magacabay Magaalada Dhuusamareeb (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---