Xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw iska soo dhax saaray toban xubnood oo hoggaamin doona doorashada guddoonka gollaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha KMG ee Gollaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa ku hungoobay in isagu magacaabo tobanka xubnood ee guddiga doorashada, waxa uuna markii dambe dib ugu celiyay xildhibaanada in ay iska soo dhax saaraan.
Xildhibaanada gollaha shacabka oo isku kala saaray shan beel ayaa dood iyo falanqeyn dhaxdooda yeesheen ayaa qabiil walba waxa uu iska soo saaray min labo xubnood oo ku matalaya tobanka xubnood ee guddiga doorashada guddoonka gollaha shacabka.
Xubnaha ay iska soo dhax saareen Xildhibaanada afarta beel iyo barka uu ka kooban yahay Baarlamanabka Soomaaliya ayaa loo gudbiyay guddonka gollaha shacabka oo cod galiyay, waxaana lagu ansixiyay qaab gacan taag ah.
Guddigan la magacaabay ee hoggaamin doona doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ayaa guda gali doona qaban qaabada doorashada guddoonka gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka.
Halkan ka Akhriso magacyada iyo qabiilada 10-ka Xubnood
1-Xildhibaan Cabdullaahi Rooble : Daarood laga soo doortay Puntland
2- Qaasim Cilmi Seed-Â Â Â Â :Daarood laga soo doortay Galmudug
3-  Cabdirisaaq Cumar Maxamed :Hawiye laga soo doortay Hirshabelle
4-Xuseen Maxamed Nuur : Hawiye laga soo doortay Galmudug
5- Mohamed Hussein Hadi : Dir laga soo doortay Gobolada Waqooyi.
6- Nasro Mahdi Caraale- (DIR)
7- Cumar Sharif Jeeg- kasoo jeeda Banaadir (Beesha 5aad)
8- Dahabo Suusow Maxamud : Beesha 5aad  Kasoo jeeda Hirshabeelle
9- Xaaji Cali Max’ed Nuur Digil iyo Mirifle Koonfur Galbeed
10- Maxamed Abukar Digil iyo Mirifle laga soo dooryay Koonfur Galbeed
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ