Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sacuudiga oo si adag uga hadashay Weerar Israa’iil ku qaaday gudaha Masjidka Al-Aqsa

Boqortooyada Sacuudiga ayaa si kulul u cambaareesay weerar shalay oo jimco ah ciidamada Israa’iil ku qaadeen gudaha Masjidka Barakeesan ee Al Aqsaa, waxaana weerarkaasi khasaaro badan kasoo gaaray muslimiintii masjidka ku cibaadeesaneysay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ay cambaareenayaan weerarka gardarada ah ee ciidamada Israa’iil ku qaadeen masjidka  Al Aqsa, waxa ayna Sacuudiga ciidamada Israa’iil ku timaameen kuwa arxan daran oo gumeysi ah.

Sacuudiga ayaa sheegay in Duullaanka ciidamada Israa’iil uu yahay mid xadgudub ku ah qaraarada iyo axdiga caalamiga ah ee quseeya dhulalka barakeesan ,waxa ayna ciidamada Israa’iil ugu baaqeen in ay joojiyaan gardarada iyo dhibaatada shacabka ku hayaan.

Sacuudiga ayaa sidoo kale ugu baaqday waddamada caalamka in ay doorkooda ka ciyaaraan sidii ciidamada Israa’iil dusha uga saari lahaayeen masuuliyadda cawaaqib xumada ka dhalata weerarka gardarada ee lagu qaatay masjidka Al Aqsaa.

Warkan kasoo baxay Sacuudiga ayaa imaanaya xilli shalay ciidamada Israa’iil xoog ku galeen masjidka Al-Aqsaa, waxa ayna ciidamada gudaha masjidka ku dhaawaceen in ka badan 150-qof oo Falastiiniyiin ah oo masjidka ku sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Guddiga doorashada heer federaal oo beeniyey qoraalo lagu baahiyey baraha bulshada

Caydiid Ali

Mid kamid ah maamul goboleedyada dalka oo ku dhawaaqay in beri Ciid tahay

Cabdi Cade

Andrew Brain oo la soo taagay Maxkamadda gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---