Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar, oo ka mid ah xildhibaannadii Golaha Shacabka ee shalay xilka loo dhaariyay ayaa muddo kooban kadib markii lagu doortay magaalada Baladweyne la faafiyay muuqaal laga duubay isaga oo ku sugan deegaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan halkaas oo ay Alshabaab ka taliyaan.
Hadal uu goob musaanasabad ahayd ka jeediyay ayuu ugu mahad naqay Alshabaab, isaga oo adegsaday ereyga “Wilaayada Islaamiga AH” iyada oo arrintaas ayay dad badan ka fal-celiyeen kuwaas oo xildhibaanka ku eedeeyay in uu xiriir dhow la leeyahay Alshabaab.
Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar ayaa sheegay in muuqaalka la faafiyey uu ahaa sanadkii 2014 xili isagoo dhaqtar ah Macalin Jaamacadeed, xili uu magaalada Muqdisho ka waday Macalimiin la rabay iney wax ka dhigaan iskuulka degaanka Ceel cali.
“Waxaan ka mid ahaa guddi dadka degaanku u xilsaareen iney macalimiinta halkaas geeyaan, lacagaha mushaharka looga dhigayana ka soo aruuriyaan dadka degaanka, waxaana la qabtay xaflad arrintaas la xiriirta oo qeybaha bulshada ay ka soo qeyb galeen, waxaan halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo aan kaga hadlayey muhimada ay leedahay waxbarashada , ka dibna waxaa laga soo jaray hadal ku jiray khudbadaas oo aan ugu mahad celinaayey maamulka meesha ka jiray” ayuu yiri Xildhibaanka.
Waxaa uu nintaas ku daray in intii uu ku jiray ololaha doorashada ay hadalkaas la soo jaray dad la tartamayey isku dayeen iney isaga ku dhibaateeyaan, wuxuuna intaas ku daray inuusan xiriir la laheyn Al-shabaab, weligiisna uusan ka mid noqon.
https://www.youtube.com/watch?v=OhgBbb8E5tI