Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dad ka badan 150 oo ku dhaawacmay rabshado ka qarxay Masjidka Al-Aqsa (Sawirro)

Ugu yaraan 152 falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacantay isku dhacyo ay la galeen booliiska rabshadaha ka hortaga ee Israa’iil gudaha dhismaha masjidka Al-Aqsa ee magaalada Jerusalem, taasoo sii kordhisay rabshado dhowaan soo cusboonaaday oo sare u qaaday cabsida laga qabo in ay dib ugu laabtaan iska horimaadyo ballaaran.

Inta badan dhaawacyada falastiiniyiinta ayaa waxaa soo gaarey rasaas caag ah, bambooyinka gacanta laga tuuro iyo garaacis ay ku garaaceen budad booliis

Ciidamada amaanka Israa’iil ayaa heegan buuxa la galiyay ka dib markii ay dalkaasi ka dhaceen weeraro khasaara badan dhaliyay oo labadii todobaad ee u dambeeyay ka dhacayay wadooyinka Israaiil. Iska horimaadyada ka socda xarunta Al-Aqsa ee magaalada deyrka qadiimka ah ee Jerusalem ayaa keenaysa khatarta ah in ay dib ugu soo laabato dagaal ballaaran oo la mid ah dagaalkii Gaza ee sanadkii hore.

Dhismaha Al-Aqsa waxa uu ku fadhiyaa dusha sare ee magaalada qadiimiga ah ee Bariga Quddus, taas oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii bariga dhexe ee 1967-kii, waxaanay muslimiintu u yaqaaniin al-Haram al-Shariif, Yuhuuddana waxay u yaqaaniin macbad.

War qoraal ah oo uu soo saaray booliiska Israa’iil ayaa lagu sheegay in boqolaal Falastiiniyiin ah ay ku tuureen qoryaha fudud iyo dhagxaan ciidamadooda iyo agagaarka goobta ay Yuhuuddu ku tukanayso ee gidaarka Galbeed ee magaalada Qadiimiga ah salaaddii subax ee saaka ka dib.

Booliisku waxay sheegeen iney galeen masjidka Al-Aqsa si ay u kala eryaan oo ay dib ugu riixaan (dadka isugu soo baxay) una suurtageliyaan inta kale ee cibaadaysanaysa inay goobta si nabad ah uga baxaan”, saddex askari ayaa sidoo kale ku dhaawacmay iska-horimaadka.

Booliiska ayaa xiray boqolaal Falastiiniyiin ah, afhayeen u hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

“Waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan u soo celin lahayn xasilloonida, guud ahaan Israa’iil. Taas waxaa barbar socda, waxaan isku diyaarineynaa xaalad kasta, ciidamada ammaankuna waxay diyaar u yihiin hawl kasta,” Bennett ayaa sidaas yidhi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin, oo ka hadlaysa rabshadaha Al-Aqsa, ayaa sheegtay “in ay Israa’iil si buuxda oo toos ah mas’uul uga tahay dambigan iyo cawaaqibka ka dhalan kara

https://www.youtube.com/watch?v=OhgBbb8E5tI

Related posts

Cali Xasan Cabdalla (Cali Muhaajir) oo isku dhiibay ciidamada Jubbaland (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir hore oo ka hadlay Labo kiis dil Murugo badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Maxaa ka fulay amarkii dhowaan ka soo baxay taliyaha ciidamada Booliska Somalia?

Caydiid Ali