Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyeyaashii Xildhibaanada noqday Maxay u diideen dhaartii xubnaha labada aqal?

Taliyeyaasha ciidamada Asluubta iyo iyo NISA ee ka mid noqday golaha shacabka ayaan ka qeyb galin dhaarintiio xubnaha labada aqal ee Baarlamanka oo shalay ka dhacday Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho

Taliyaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey oo laga soo doortay Galmudug ayaa qaatay shalay shahaadada xildhibaanimo balse kama qeyb gelin dhaarta xubnaha labada aqal.

Sidoo kale, Taliyaha ciidanka Asluubta Gen Mahad C/raxmaan Aadan oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka yimid Baydhabo ayaan shahaadana qaadanin, dhaartana ka qeyb gelin.

Labada sarkaal ayaa haddii ay dhaartaan noqonaya Xildhibaano rasmi ah taasoo haddii ay dhacdo ay si toos u weyn doonaan labada xil ee ay kala hayaan maadaama xildhibaanada aan loo ogoleyn iney qabtaan wax ka yar xil wasiir, taliyeyaashuna darajo ahaan waxay ka hooseeyaan wasiirada taas ayaana keentay iney dhaarta dib isaga dhigaan.

Labadan sarkaal ayaa ka mid ah xubnaha ku dhow Farmaajo, waxaana haddii ay dhaartaan ay ka dhigan tahay iney waayeen xilalkooda taasina waxay abuuri kartaa in xaalad hogaan la’aan ah oo labada heyadood soo wajaha maadaama aan la magacaabin xubnihii bedeli lahaa.sidaas awgeed waxay doorbideen iney xilalkooda sii heystaan.

https://www.youtube.com/watch?v=OhgBbb8E5tI

Related posts

Xubno ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday degmada..

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Caddaalad ayey wali kaa sugeysaa shirkadda Rajo Construction

Cabdi Cade

Booliiska Kenya oo qabtay nin la sheegay in uu qorsheenayay dilka Madaxweyne Uhuru

Cabdi Cade
Taboola Ads ---