Kulankii Munaasabadda Dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta ka ee qabsoomay Xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa Guddoon ku meel Gaar ah looga dhawaaqay.
Waxana Guddomiyaha Ku meel gaarka ah ee golaha shacabka iyo aqalka sare noqonaya labada Xildhibaan ee ugu da’da weyn oo kala ah:
1-Guddomiyaha Ku meel Gaarka ah ee Golaha Shacabka Abdisalan Xaaji Liibaan (Dhabancad)
2-Guddomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare Maxamed Caki Yuusuf (Gaagaab).
Kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka 11-aad yeelanayo ayaa la shaaciyey iney iskugu iman doonana Maalinta Sabtida ee Soo Socota.