Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay Go’aankii Doorashada looga wareejiyay Garbahaarey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal goordhaw uu soo saaray waxa uu kusoo dhaweeyay go’aankii guddiga doorashada heer federaal deegaan doorashada uga wareejiyeen magaalada Garbahaarey.

Qoraalka kasoo baxay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa lagu boggaadiyay go’aanka guddiga doorashada maanta kasoo baxay ee degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo loogu wareejiyay dooarshada 16-kursi ee Gedo taala.

”Ra’isul Wasaaraha isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada lahaad ee Jubaland.” ayaa lagu yiri qoraalka Rooble.

Ra’iisul Wasaar Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku booriyay Guddiga  doorashada heer Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman ee doorashadooda loo wareejiyay Ceel-Waaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Shirka Dhusamareb 3 oo la xagal daaciyay, qalalaasena madaxa la galay (Fashil Siyaasadeed)

admin

Uhuru Kenyatta & Raila Odinga oo kulankii ugu horeeyey yeeshay ka dib doorashadii lagu murmay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Xaalada argagaxa leh oo ka taagan Gaza iyo Qax ka socda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---