Taliyaha KMG ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa goordhaw qaatay shahaadada Xildhibaanimo, waxaana la filayaa in sidoo kale kamid noqdo Xildhibaanada maanta la dhaarinayo.
Yaasiin Farey ayaana dhaarinta kaddib si toos ah u baneenaya xilka ku-simaha taliyaha Hay’adda NISA uu hayay billooyinkii lasoo dhaafay , waxa ayna hay’adda noqoneysa taliye la’aan inta laga soo magacaabayo taliye cusub.
Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa markii xilka laga qaaday waxaa taliye KMG ah hay’addaasi looga dhigay Yaasiin Farey oo horey u ahaa taliyaha ciidamada NISA ee gobolka Banaadir.
Lama oga in taliye rasmi ah loo magacaabi doono Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya iyo in mar kale loo soo magacaabi doono taliye KMG ah, waxaana NISA wali si toos ah ugu xiran oo uga amar qaadataa Fahad Yaasiin oo hay’addaasi isbadal badan ku sameeyay.
Waxaa sidoo kale maanta markii la dhaariyo xilalkooda weyn doona xildhibaano xilal kala duwan ka hayay dowladda ay ku jiraan wasiiro kamid noqday aqalka sare, taliyaal ciidan masuuliyiin kale .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ