Allbanaadir.com
NEWS

Afhayeenka Wasaaradda amniga Somalia oo warbaahinta siiyey hadal dad badan ka yaabiyey

Afhayeenka Wasaaradda amniga Xukuumadda federaalka Somalia C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo ka hadlay Munaasbaad ka dhacday magaaladda Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay weeerarkii shalay lagu galay xarunta Otto otto ee magaalada Muqdisho.

C/casiis Xildhibaan ayaa isweydiiyey sida ay ku dhacday inay dableyda Al-Shabaab ay ka gudbaan kontorolka la dhigay Isgoyska Sayidka, isla markaana loogu guul-daraystay ballan-qaadkii sugidda amniga caasimadda.

“Suurto-gal ma aha inay Al-shabaab si fudud uga gudbaan Kontorolka, iyadoo la ogyahay in hooyada foosha haysa iyo ardayda laga hor joogsado inay ka gudbaan waddooyinka” ayuu yiri Afhayeenka.

Waxaa uu ka dalbaday taliyeyaasha ciidanka iney sharaxaad ka bixiyaan sida looga soo gudbay Kontorolka Zoonka 1-aad ee Isgoyska Sayidka.

Afhayeenka waxaa kale oo uu eedeyn u jeediyey madaxda dowladda, isagoo tilmaamay in lagu fashilmay ballanqaadkii loo sheegay Shacbiga Soomaaliyeed.

“Waa nasiib daro Siyaasi danno gaar ah leh in beentiisa la dhegeysto, loona sacab-tumo Ballan qaadyadda beenta ah” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda amniga.

Waxa uu intaasi ku daray in ummadda ka daashay raalli-gelinta dowladda, mana jiro ayuu yiri Mas’uul isku casilay fashil ka dhashay Xilkiisa isagoo xusay inuusan dowladda wax mushahar ah ka qaadanin 11-ka bilood ee uu Afhayeenka yahay, isla markaana ay Boqoradda Ingiriiska biilayso qoyskiisa oo ku nool dalka Britain.

“Waxaan ahay Aabe 13 carruur dhalay, waxaan doonayey inaan Ilmahayga baro inay dal leeyihiin, balse, Boqoradda Ingiriiska ayaa biilaysa haddii aan dhinto” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan oo hadalkiisa uu ka yaabiyey dad badan.

C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay iney ka go’an tahay inuu naftiisa u huro sugidda Ammaanka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna dhanka kale eedeeyey siyaasiyiin uu sheegay inay Tuugo yihiin aysan waxba qabanin, taas bedelkeedna Boorsooyin ka buuxsadaan hantida ummada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhismaha Waddo muhiim ah oo kutaalla Muqdisho oo maanta la dhagax-dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaabkii uu u dhacay dilkii Jamal Khashoggi oo lasoo bandhigayo iyo Sacuudiga oo …

Cabdi Cade

Daawo Sawirro) Boqol ruux oo ku dhintay musiibo ka dhacday gobolada Paradesh & Rajasthan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---