Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada Kutlada NISA oo xaalku ku xun yahay iyo Go’aankooda oo la sugayo

Saraakiil badan oo katirsanaa Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sannadkan nasiib u yeeshay in ay kamid noqdaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka federaalka.

Xildhibaanadan Baarlamaanka kasoo galay NISA ayaa ku bahoobay kutlad cusub, waxa ayna garab istaag u muujiyeen taliyahoodii hore ee Fahad Yaasiin oo kursigii uu kusoo baxay ilaa hada lagu dhegan yahay.

Xildhibaanada NISA ayaa ka biyo diidanaa in ay qaataan shahaadada Xildhibaanimo si ay u garab istaagaan Fahad Yaasiin, waxa ayna Xildhibaanadan dugaashanayeen Xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo tiro kale oo xildhibaano ah oo iyana diidanaa in shahaadada qaataan.

Xeel dheerayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in hada xaalku ku xun yahay Xildhibaanada NISA oon ka badneyn 10-kuwaa oo meel cidlo ah soo istaagaya haddii Xildhibaanada Koonfur Galbeed qaataan shahaadada lana dhaariyo.

Xildhibaanada NISA kasoo galay ayaan jirin cid daneeneysa oo arrintooda gorgortan ka galeysa, waxaana laga yaabaa in ugu dambeyn ku qasbanaadaan in si iskood ah shahaadada iyo ID-Cardka-ka u qaataan.

Kursiga Fahad Yaasiin ayaa ilaa hada guddiga doorashada ku dhegan yihiin , waxaana guddiga go’aamiyeen in doorashada kursigaasi dib loogu laabto, waxaana muuqaneysa in ujeedka ugu weyn tahay in Fahad la dhaafiyo guddoomiye kuxigeenka gollaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Saldhigyada Qarsoodiga ee Nukliyeerka Maraykanka ee yaalla Yurub iyo Turkiga oo la shaaciyey

Cabdi Cade

Prof. Saciid Ciise: “Somalia waxaa ka soo socda isbedel siyaasadeed oo mug leh”

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay Shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayo Bulshada Koonfur Galbeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---