Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hirshabelle oo dalbatay in si shuruud la’aan ah loo fasaxo kursiga Fahad Yaasiin

War-Saxaafadeed

Dowladda Hirshabeelle waxay aad uga xuntahay hakinta sharci darrada ah ee lagu sameeyay Kursiga HOP086 oo deegaan doorashadiisu tahay Dowladda Hirshabeelle.

Dowladda Hirshabeelle waxay cadeeyneysaa in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii doorashooyinka oo sax ah,  goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka, wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursigaas iyo murashaxiintii ku tartantay sidaas darteedna ay natiijadiisu tahay mid sax ah.

Dowladda Hirshabeelle waxay ka digeysaa tallaabooyinka ay gudiga FEIT ku xagal daacinayaan dhameestirka doorashooyinka dalka.

Dowladda Hirshabelle waxay cadeynaysaa in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac qaldan ah balse loo heysto dano siyaasadeed taasina waxaa cadeyn u ah in gudiga FEIT uu caawa fasaxay kuraastii lala hakiyay iyadoo aysan jirin wax habraac qaldan ah oo lasaxay, arintuna ay tahay anigaa qabsaday anigaana fasaxay tasoo muujineeyso kutakrifal awoodeed.

Uga dambeyn Dowladda Hirshabeelle waxay ugu baaqaysaa Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga tirsigiisu yahay HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada Dalka.

 

Related posts

Madxaf UNESCO u aqoonsan tahay Dhaxal-Adduun oo Masjid laga dhigayo iyo caro ka dhalatay

Cabdi Cade

Kooxo hubeysan oo dad 100 ka badan ku xasuuqay tuulo ka tirsan gobolka Yagha

Caydiid Ali

Fadeexad dhinaca Baasaboorka ah oo ka taagan Turkiga iyo Baaritaano socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---