Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Mareykanka oo baadi goobaya nin toogasho ka geystay New York (Sawirro)

Booliska iyo saraakiisha federaalka ayaa raadinaya nin lagu tuhmayo weerar toogasho ah oo shalay ka dhacay goobta tareenada laga raaco oo ku taalla magaalada New York, halkaasi oo uu ku dhaawacay in 23 qof kahor inta aanu ka baxsan.

Weerarka oo dhacay saacadihii hore ee Talaadadii xilli dadka ay u kala ordayeen shaqooyinkooda ayaa ah dhacdadii ugu dambeysay ee rabshado sanadihii tegay hareeyey nidaamka tareenada magaalada.

Booliska ayaa sheegay in 10 ka mid ah dadka ay si toos ah u haleeshay rasaasta ay dhaawacyadooda daran yihiin balse xaaladduodu degan tahay, halka 13 qof oo kale ay ku dhaawacmeen kala orodkii dhacay.

Dhammaan dadka dhaawaca ah ayaa la filayaa inay badbaadaan, sida ay booliiska sheegeen kuwaasi oo yaboohay abaal-marin dhan $50,000 oo lagu bixinayo akhbaar hoggaamin karta in lasoo xiro tuhmanaha.

Baaritaanka horudhaca ah ayaa diiradda lagu saarayaa nin lagu magacaabo Frank James oo la rumeysan yahay inuu watay baabuur nooca U-Haul ah oo uu goobta kaga tegay, kaasi oo sidas la rumeysan yahay uu kasoo kireystay magaalada Philadelphia.

Booliska ayaa sheegay inay furaha gaariga ka heleen goobta weerarka, islamarkaana James uu deegaan ku yahay Philadelphia iyo gobolka Wisconsin.

Madaxa booliska New York (NYPD) Keechant Sewell ayaa weriyayaasha u sheegay in weerarka aysan illaa hadda ula macaamileyn weerar argagixiso.

Weli ma cadda waxa dhiiri-geliyey weerarka, hase yeeshee baarayaasha ayaa helay qoraal uu nin lagu magacaabo Frank James soo dhigay baraha bulshada, oo uu kaga hadlayo hoy la’aanta iyo duqa magaalada New York.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciraaq oo jawaab caro leh ka bixisay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Caro ka dhalatay $30 milyan oo loo qeybiyey xildhibaano si ay baabuur ugu soo iibsadaan

Cabdi Cade

Q/Midoobay oo Bilyan Dollar u dalbatay wax ka qabashada abaaraha Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---