Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamad ku taalla Koblenz oo xukuntay Soomaali dembi Yaab leh galay

Maxkamad ku taalla magaalada Koblenz ee dalka Jarmalka ayaa waxay xukun ku riday nin Soomaali ah oo 28 sano jir.

Ninkan ayaa waxaa lagu helay danbi ah inuu 5 mar oo kala duwan fara xumeeyay gabar uu Adeer (Waalid) u yahay oo 8 sano jir ah taasoo uu hooyadeed qabay.

Danbigan ayaa waxa uu dhacay Xagaagii 2021, xukunkiisana shalay oo talaado ah ayuu dhacay.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin waxaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah iyo inuu bixiyo wixii qarash ah ee maxkamadda iyo kiiskaas dhan ku baxay.

Thomas Metzger oo madax u ah dhowr garsoore oo kiiska ku jiray ayaa waxa uu sheegay in sababta ninkaan arrintaan foosha xun ku kalliftay ay tahay, in isaga iyo xaaskiisa ay ilmo isku dhaleen, kedibna ku heshiiyeen muddo sanad ah inaysan isku tagin, sidaa daraadeedna uu ninka damaciisa foolxun kala kor dhacay gabadha yar ee uu adeerka u yahay oo markaasi 8 sano jir ahayd.

Soomaalida iyo dadka kale ee ku nool dalka jarmalka ayaa si weyn uga naxay falka argagaxa leh ee uu ku dhacay ninkan

https://www.youtube.com/watch?v=E9hAS0eRiug&t=53s

Related posts

Weerar lagu dilay Khaliif Gaambe iyo xubno kale oo ka dhacay deegaan katirsan Galmudug

Cabdi Cade

Saameyn intee le’eg ayay yeesheen roobabkii ka da’ay Muqdisho? (Warbixin)

Caydiid Ali

Antonio Guterres oo ka hadlay xiisada ka taagan Muqdisho baaqna u diray Siyaasiyiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---