Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Qarax Khasaaro geestay oo lagu weeraray guriga Masuul katirsan maamulka Jubbaland

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa xalay ka dhacay weerar qarax loo adeegsaday oo lala bartilmaameedsaday guri uu magaaladaasi ka degnaa masuul katirsanaa maamulka Jubbaland.

Guriga qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay in uu degnaa nin katirsan masuuliyiin maamulka dekadda Kismaayo, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro xooggan oo soo gaaray qaar kamid ah qoyska ninka la doonayay in la dilo.

Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in qaraxa ku dhinteen Haweeneey xaamilo ah iyo Wiil ay dhashay, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay oo xaaladiisa lala tacaalayaa wiil 14-sano jir ahaa.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Jubbaland Jaamac Joofane ayaa sheegay in Guriga qaraxa lala beegsaday uu kuyaallo Xaafada Farjano gaar ahaan laanta Siinaay, waxa uuna xusay in dadka dhintay ay ahaayeen qoyska masuulka la weeraray.

Waxa uu sheegay afhayeenka in qaraxa kadib ciidamada ammaanka sameeyeen howlgalo lagu soo qabqabtay dad badan oo lagu tuhmayo falal ammaan daro, waxa uuna xusay in ay socdaan baaritaanadad dadka lagu tuhmayo qaraxan khasaaraha geestay.

Magaalada Kismaayo ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca qaraxyo lagu weeraro guryaha saraakiisha iyo masuuliuyiinta kale ee katirsan maamulka Jubbaland, waxaana weeraradaasi inta badan sheegta masuuliyadooda kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=E9hAS0eRiug&t=52s

Related posts

Ciidanka nabad sugida Puntland oo Garowe ku xiray Wariye Jamal Muhumed Osman

Caydiid Ali

Tartan layaab leh oo lagu qabanayo Sacuudiga iyo hadal heyn badan oo ka dhalatay

Cabdi Cade

Guddoonka Aqalka sare oo sharci daro ku tilmaamay Muddo kororsiga Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---