Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga doorashada heer federaal oo wafdi Xaldoon ah u diraya Baydhabo

Sida lagu baahiyay page-ka Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal Guddiga ayaa xubno ka mid ah u diraya Berri subax Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ujeedada safarka xubnahan ayaa la sheegay iney tahay sidii xal loogu heli lahaa tabashada Maamulka Koonfur Galbeed ee la xiriirtay kuraasta doorashadooda dib loo celiyey.

Wafdigan ayaa kulamo la qaadan doona masuuliyiinta Koonfur galbeed si xal looga gaaro Xildhibaanada Koonfur galbeed ee ku xaniban Baydhabo

Tallaabadan ayaa noqoneysa loo qaaday dhanka wanaagsan oo qeyb wayn ka qaadaneyna dhameystirka geeddi socodka doorashada inkastoo aan la ogeyn natiijada ay la soo laaban doonaan guddigan.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xili maalin kaliya ay ka harsan tahay dhaarinta Xildhibaanada qaatay shahaadada ee labada aqal oo ku beegan 14ka bishan.

 

Related posts

Antony Blinken oo booqashadiisa ugu dambeysay ku tagaya saddex dal oo…

Cabdi Cade

Imaaraadka iyo Sacuudiga oo si weyn uga carooday Hadal kasoo yeeray Wasiir George Kordahi

Cabdi Cade

Dhowr Buufino Basaas ah oo Ruushku lahaa oo lagu soo riday dal Yurub kuyaalla

Cabdi Cade
Taboola Ads ---