Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay tagay hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho oo geed fadhi u ah siyaasiyiin isugu jira mucaarad ,muxaafad iyo sidoo kale tagaan dadka siyaasada daneeya.
Rooble ayaana Hotelka Jaziira xalay intii uu ku sugnaa kula kulmay siyaasiyiin dhoor ah ay ku jiraan musharaxiin Madaxweyne, Xildhibaano katirsan labada aqal, saraakiil iyo siyaasiyiin kale oo caan ka ah dalka .
Sawirro uu baahiyay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga dhax arkayay Rooble iyo taliyaha KMG ee NISA Yaasiin Farey oo is dhinac socda sidoo kale qoslaya.
Rooble iyo Yaasiin Farey ayaana xiriirkoodu wanaagsaneyn, waxa uuna qeyb ka ahaa Yaasiin Farey khilaafkii soo kala dhax galay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ee ka dhashay kiiska dilka Ikraan Tahliil.
Hadal heyn badan oo dhinaca baraha bulshada ayaa ka dhalatay sawirrada ay wada galeen Rooble iyo Yaasiin Farey, waxaana dadka qaar Rooble ku eedeeyeen in uu la qoslayay nin lagu tuhmayo in uu ku lug leeyahay kiiskii IKraan Tahliil.
Xafiiska Yaasiin Farey ayaa dhawwaan laga soo saaray qoraalkii digniinta ahaa ee lagu cabsi galinayay Ra’isul Wasaare Rooble laguna sheegay in Al Shabaab qorsheenayaan in ay dilaan Farmaajo iyo Rooble.
Ra’isul Wasaare Rooble iyo taliyaha KMG ee NISA Yaasiin Farey oo sidoo kale ah xildhibaan ayaan laheyn xiriir wanaagsan, waxa uuna Yaasiin Farey kamid yahay saaxiibada aadka ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com