Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo iyo Antonio Guterres oo kawada hadlay arrimo badan oo xasaasi ah oo taagan

Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farjaamo, iyagoona ayaa kala hadlay arrimo kala duwan .

Farmaajo iyo Antonio GuterresĀ  ayaa inta wadahadalkooda socday waxa ay diirada saareen kana wada hadleen arrimo dhoor ah oo ay ka mid yihin doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, abaaraha iyo hawlgalka cusub ee ATMIS.

Qoraal ka soo baxay xarunta Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxweyne Farmaajo ay ka wada hadlay in la dedejiyo hannaanka doorashada ee Soomaaliya oo waqtigeeda dhaaftay.

Antonio Guterres ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo inuu rajaynayo in si degdeg ah loo soo gebagebeeyo geedi-socodka doorashada Soomaaliya iyo in arrimaha taagan lagu dhammeeyo wada hadal iyo isu tanaasul.

Xoghayaha guud ayaa la wadaagay madaxweyne Farmaajo, sida uu u garab taagan yahay dowladda Soomaaliya gaar ahaan xilligan ay sare u kaceen weerarada ururka al-Shabaab iyo abaaraha daran ee Soomaaliya ka jira.

Antonio Guterres ayaa sidoo kale cadeeyay sida uu u taageersan yahay hawlgalka cusub ee Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, isaga oo Soomaaliya u rajeeyey inay awood u yeelato inay si buuxda ula wareegto amnigeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda sare oo saakay bilowday Dhageysiga Dacwada kursiga Fahad Yaasiin

Cabdi Cade

Koox ku hanjabtay in ay weerari doonaan Maraakiibta Israaā€™iil ee Badda Cas marta

Cabdi Cade

Xasan Shiikh: ā€œWaa nasiib daro in DF ay Maamulka hawada ku dhibaateyso shacabkeedaā€

Caydiid Ali