Waxaan ahay musharax u taagan doorashada loogu tartamamayo qabashada xilka Madaxweynaha Somalia 2022, Waxaan rumeysanahay inaan hayo qorsheyaal waxqabad oo macquul ah oo fulinta balanqaadyadooda aan aad ugu kalsoonahay iney Somalia ku gaari karto kuna noqon karto dal ismaamulkeeda u madax banaan oo ay ku heli karto degenaansho siyaasadeed, xasilooni amni iyo nabad ku wada noolaansho ay ku wadaagaan barwaaqo sooran dhaqaale.
Waxaan waayo arag ahaan u soo joogay dhamaan maamuladii ka soo jiray dowladihii soo maray Somalia, waxaan sidoo kale in ka badan 25 sano ku noolaa Yurub iyo Maraykanka ay waayo aragnimadayda siyaasadeed ku soo kordhisay aqoonta ku saabsan maamul wanaaga ay dalalkaas ku horumariyeen dimoqraadiyada ay dowladahooda ku horumariyaan.
Waxaan waxbarashadeyda ku soo qaatay gudaha iyo dibeda dalka, waxaan ka soo  bilaabay magaalada aan ku dhashay ee Dhuusamareeb oo aan ku dhameystay dugsiga Quraanka iyo waxbarashada dugsiga hoose.
Magaalada Muqdisho waxaan ku dhameystay waxbarashada dugsiga dhexe Dhagaxtuur, dugsiga sare ee Shiikh Xassan Barsane iyo Jaamacadda umadda Soomaaliyeed ee Gaheyr gaar ahaan Kuliyadda Kiimikada. waxaana Jaamacadda Ummadda ka bartay Culuunta kiimikada Warshadaha, waxaana ka soo qaatay shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda (Laurea).
Ka dib waxaan Waxbarasho u soo aaday dalka talyaaniga Magaalada Padova, waxaana jaamacada lagu magacaabo Universita degli Studi di Padua aan ku soo dhameystay Waxbarashada heerkeeda aqoonta dhexe iyo sare. waxaana ka soo kala qaatay jaamacadaas labo shahaado oo kala ah, shahaadada Laure-yada Talyaaniga oo u dhiganta Master iyo shahaadada sare ee PhD oo labadaba la xiriira cilmiga culuunta kiimikada.
Ka dibna waxaan Barre sare ka noqday Jaamacadda ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Kuliyadaha Cilmiga Sayniska iyo Injineeriyada ee Gahayr ee KM7 Muqdisho. waxaan kaloo kuliyadda Sayniska qeybteeda kiimikada ka noqday Cilmi Baarre aan wargeysyo caalami ah ugu daabacay cilmi baarisyo kala duwan oo aan ka sameeyey. ka dibna markii ay burburtay dowladii milateriga waxaan ka noqday sii hayaha hormuudka kuliyadda Sayniska ee Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed.
Intii ay jirtay dowladii milateriga aheyd waxaan ka soo qeyb qaatay ololihii farta Soomaaliga dadka lagu barayey iyo Mashruucii dadka tirakoobka loogu sameynayey, waxaana wax barida farta iyo sahankii tirakoobka dadka aan ka sameeyey gobolka Bay gaar ahaan degmooyinka Qansaxdheere iyo Ufurow.
Sidoo kale, waxaan ka qeyb galay dagaalkii 1977-dii Itoobiya iyo Somalia ku dhexmaray dhulka Soomaali galbeed, waxaana howlaha aan u xilsaarnaa ka fuliyey degaanka Dhagaxbuur iyo weliba dhulalka Nogob iyo Qarijiqood oo ay ka dhex yaallaan magaalooyinka dhuxun iyo Sagag oo uu soo maro togga faafan.
Xiligii uu socday dagaalka sokeeye ayaa waxaan u qaxay dalka Maraykanka, waxaana la noolaa qoyskayga oo degan gobolka Maine magaalada Lewiston, waxaana markaas ka dib galay Jaamacadda Univesity of Southern Maine, waxaana ka bartay Cilmiga hogaaminta iyo daraasaadka urur dhismeedka heyadaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn taasoo qeyb ka ah Culuunta Siyaasadda (Leadership and organizational Studies) waxaana ka qaatay shahaadada koowaad ee BSc.
Waxaan isla gobolka Maine ee dalka Maraykanka sidoo kale aan ka soo galay Koleejo lagu magacaabo (Central Maine Community College) oo aan ka soo qaatay cilmiga Kombiyuutarka oo ah labo sano (Applied Computer Science) waxaana ka soo qaatay labo shahaado oo ah (Associate Degree)
Waxaana 2011kii aasaasay xisbiga Siyaasadeed ee lagu magacaabo Xisbiga dadka Soomaaliyeed (Somali People’s Party) Xisbigaasoo ah mid aragtidiisu ku dhisan tahay dimoqraadiyada bulshada (Social Democracy) iyo siyaasada dhexdhexaadnimada (Political Neutrality). wuxuuna xisbigaas hiigsigiisa ugu weyn yahay helitaanka dowlad rayid ah oo dimoqraadi ah oo ku shaqeysa sareynta sharciga iyo dhowrista xuquuqda iyo xoriyaddaha dadka, Cadaaladda iyo sinaanta bulshada iyo qeyb ka noqoshada haweenka iyo dhalinyarada ee maamulka dowladda.
Waxaan leeyahay Xaas iyo caruur ku kala nool magaalooyinka Muqdisho iyo Lewiston oo ku taalla gobolka Maine ee dalka Maraykanka, waxayna meheradaydu tahay ganacsi iyo siyaasad.
Waxaan labo jeer isku soo taagay doorashada madaxweynaha Somalia ee dhacday 2012 iyo 2017, waxaana ku kalsoonahay inaan waayo aragnimadayda iyo aqoontayda si wanaagsan ugu adeegsan karo gudashada xilka madaxweynaha Somalia hadii aan ku guuleysto qabashadiisa doorashada dhaceysa 2022-da.
Prof. Saciid Ciise MaxamuudÂ
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahnaÂ
Musharax Madaxweynaha Somalia