Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Muxuu Cumar Filish kala hadlay Masuuliyiinta degmooyinka Muqdisho?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa goobjoog ka ahaa Dhamaan Maamulada 17 Degmo iyo sedexda Deegaan, Guddoomiye Ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud iyo Guddiga Wacyigelinta iyo Abaabulka Qaranka.

Shirka ayaa loogu hadlay Amniga Guud ee Caasimada Muqdisho, u diyaar-garowga Doorashooyinka Guddoonka Labada Aqal iyo u gar-gaarida Bulshada danta yar Bisha Barakeysan ee Ramadaan Awgeed.

Sidoo kale Shirka ayaa lagu boogaadiyay kaalinta ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee ka qaadanayaan dib-u-hanashada Dowladnimada iyo Qarannimada Soomaaliyeed iyadoona loogu Hambalyeeyay xuska 12 April oo maalinta bari ku beegan kuna suntan 62 guurada kasoo wareegatay Aasaaska Ciidanka Xooga dalka ee 1960.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo si kulul uga hadlay weerarkii Kismaayo iyo khasaaraha oo kordhay

Caydiid Ali

Qarax labaad oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Mashaariic laga fulinayo deegaannada maamulka Koonfur Galbeed oo laga wada hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---