Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah :Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo si kulul uga hadlay Go’aankii Maxkamada gobolka Banaadir

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo goordhaw Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid go’aankii Maxkamada gobolka Banaadir kusii deysay C/raxmaan C/shakuur Warsame .

Waxa uu sheegay Xeer ilaaliyaha Qaranka in dacwad oogayaasha ay kiiskan racfaan ka qaateen Maxkamadana ay ogeed, waxa uuna intaa raaciyay in uu ka dambeeyay go’aankan ay Maxkamada kusii deysay Siyaasiga .

”Dacwad oogayaasha racfaan ayey ka qaateen Kiiskan Maxkamada wey ogeyd, mana ahan wax aan qaadan karno xukunkan ay Maxkamada gobolka gadaal dambe ka riday ” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sii deysay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo dowlada u xirnaa, waxa uuna sheegay Gudoomiyaha Maxkamada gobolka in Xeer ilaalinta ku fashilmeen in ay cadeyn u keenaan dambiga ay kusoo oogeen siyaasigan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin hal maalin wada guursaday 7-xaas una hibeeyey min hal gaari oo Cusub (Sawirro)

Cabdi Cade

Somalia oo la wareegeysa guddoonka golaha Wasiirada Jaamacada Carabta

Caydiid Ali

Putin oo ku dhawaaqay isbedel halis ah oo uu ku sameynayo hubkiisa Nuclearka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---