Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo sheegay ineysan waxba iska bedelin xiligii loo qabtay dhaarinta Xildhibaanada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay inay socoto diyaargarowga loogu jiro xafladdii lagu dhaarin lahaa xildhibaannada dooran ee laba aqal ee Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa warkan laga soo xigtay mar uu booqday xarunta guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, halkaas oo ay ku wadahadleen guddoonka iyo howlwadeennada kale ee guddiga.

Ra’iisul Waaaaraha ayaa la kulmay guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal ee BFS oo uu kala hadlay qabanqaabada iyo u diraar garowga dhaarinta xildhibaannada ee qorsheysan 14-ka bishan.

Rooble waxa uu guddiga ku booriyay inay dhammeystiraan howlaha doorashada.

Warkan ayaa waxa uu soo baxayaa xilli weli maamulka Koonfur Galbeed uu diiddan yahay in xildhibaannadiisa ay qaataan shahaadada uu bixinayo guddiga doorashooyinka heer federaal, iyagoo guddiga ku eedeeyay inuu maamulkooda bartilmaameedsaday.

Maanta ayaa ugu dambaysay oo madaxda Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa kulamo arrintaas lagu turxaanbixinayo waxa ay ku qabteen magaalada Baydhaba.

https://www.youtube.com/watch?v=tG9vVrn4b2U

Related posts

Ciyaartoyda Xulka Qaranka 17-jirada oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Wariye Cabdimaalik Coldoon oo xabsiga magaalada Hargeysa laga sii daayay

Cabdi Cade

Maxay tahay balaayiinta Dollar ee dowlada Qatar siineyso waddanka Turkiga?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---