Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka ATMIS oo howlgalo ka bilaabay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho

Ciidamada Nabad Ilaalinta ATMIS ee lagu bedelay kuwa AMISOM ayaa howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo kawada gudaha iyo banaanka xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee howlgalka ATIMIS sidoo kale degan yihiin diblumaasiyiin reer Galbeed ah.

Saraakiisha ciidamada ATMIS ayaa sheegay in howlgalka ciidankooda kawadaan gudaha Xalane uu yahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka xerada Xalane sidoo kale looga hortagayo in halkaasi ka dhacaan falal ammaanka lidi ku ah.

Ciidamada ATIMIS ayaa la arkayay iyaga oo baaritanao ka dhax wada xerada Xalane, waxa ay sidoo kale ciidamada si adag u baarayeen gaadiidka sida joogtada ah xeradaasi u gala iyo goobaha laga soo gelo xerada.

Qoraal xalay kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu sheegay in bandow soconaya ilaa lix maalin lagu soo rogay xarunta Xalane, waxaana qoraalka lagu sheegay in bandowgan yahay mid ammaanka lagu xaqiijinayo.

Xarunta Xalane waxaa ku yaala taliska ugu weyn ee Howlgalka Midowga Afrika, kan Qaramada Midoobay, waxaa sidoo kale halkaasi degan safaarado reer Galbeed ay ku jiraan safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=e_j1xWub4LQ

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaa Masuul katirsanaa dowlada oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Taliye katirsan Haramcad oo ku dhaawacmay Weerarkii Al Shabaab saakay lagu qaaday

Cabdi Cade

Maxaa ka jira inay Soomaaliya iyo Kenya ka wada hadlayaan arrinta baddii ay xukuntay ICJ ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---