Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaano kale oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo

Xarunta guddiga hirgelinta doorashada heer federaal waxaa wali ka socota qaadashada shahaadada xildhibaanimo, xilli ay hada gabogabo sii mareyso muddadii loo qabtay shahaado bixinta .

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa saakay kamid noqday xildhibaanada gollaha shacabka ee qaatay shahaadada xildhibaanimo, waxaa sidoo kale qaatay shahaadada Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud.

Guddiga doorashada heer federaal ayaana shalay shaaciyay liiska magacyada 193-xildhibaan oo katirsan baarlamaanka labada aqal oo qaatay shahaadada xildhibaabino, waxaana maanta iyana la filayaa in tiro kale oo xildhibaano ah qaataan shahaadada.

Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo xildhibaanada ku dhaw dhaw Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaan wali qaadan shahaadada xildhibaanimo, waxa ayna xildhibaanadaasi kasoo horjeedaan afarta Xildhibaan ee dib loo celiyay doorashadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=e_j1xWub4LQ

Related posts

(Akhriso) Liiska degmooyinka laga helay COVID-19 & tirada degmo walba loo diiwaan geliyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo Jawaab adag siiyay Mareykanka shaacana ka qaaday in aysan…

Cabdi Cade

Dood ka dhalatay Moos la sheegay in laga qaaday Soomaaliya oo ka taagan dalka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---