Allbanaadir.com
NEWS

Taliska Milatariga Soomaaliya oo ka hadlay shakiga laga muujinayo Xuska 12-ka April

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya xuska 12-ka bishan ee April oo ah maalintii la aas aasay ciidanka xoogga Soomaaliya, waxaana xuska sannadkan hareeyay shaki badan oo laga muujiyay.

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa lagu baahinayay in suurto gal tahay in xuska 12-ka April milatariga ku dhawaaqaan go’aano dalka gelin kara xaalad adag sidoo kale ku taageeraan Madaxweyne Farmaajo in talada xoog kusii joogo.

Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay wararka laga faafiyay xuska maalinta aasaaska ciidanka xoogga Soomaaliyeed ee 12-ka April.

Jeneraal Cabaas Amiin ayaa sheegay in xuskan 12-ka April uusan waxba ka duwaneyn kuwii la qabanayay sanadihii la soo dhaafay, waxa uuna digniin u diray dadka faafinaya wararka been abuurka ah ee ka dhan ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Siyaasiyiin iyo dad kale ayaa shaki ka muujiyay in xuska 12-ka April ay suurto gal tahay in ciidanka ku dhaqaaqaan tallaabooyin u muuqda afgembi ciidan iyo in Madaxweyne Farmaajo gacan ku siiyaan muddo kororsi horleh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo soo saaray amar ku socda heyadaha Maamulka Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali

Xiliga uu Jawaari khudbada u jeedinayo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo xal laga gaaray

Cabdi Cade

Dowladda oo xirtay goobo ganacsi oo kuyaalla Muqdisho oo diiday ammar kasoo baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---