Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo soo saartay Go’aan ka dhan ah Francisco Madiera

Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan dalka loogu diidayo in uu kusoo laabto wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madiera, oo dhawwaan Ra’isul Wasaare Rooble dalka ka eryay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga ayaa lagu amray hay’dda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya in ay kala laabato warqada dal ku jooga ah Danjire Madeira sidoo kale aan dib dambe loo siin warqada dal ku galka ah.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale fartay agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya in cid walbo ay quseyso la socodsiiyo in aan dalka la keeni karin oo oon laga rebin danjire Francisco Madiera.

Wasaarada amniga ayaa sidoo kale amartay in si KMG ah loo xiro terminaalka MoveCon , waxa ayna wasaaradda amniga fartay laamaha ammaanka ee ka howlgala in uusan garoonka cag soo dhigi karin danjire Madiera

Halkan ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Afrikan ah oo isaga baxay tartanka Koobka Adduunka 2026 iyo hal arrin oo Sababtay

Cabdi Cade

Mid ka mid ah xarumaha ciidamada DF oo loogu magac daray Gen. Farxaan Qaroole

Caydiid Ali

Doorashada labo ka mid ah kuraasta Aqalka sare oo caawa ka socota Magaalada Jowhar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---