Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay la hadlayay ganacsatada Somaliland qaarkood uu kulan la qaatay ayuu u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.
Muuse Biixi ayaa sheegay in Farmaajo iyo Rooble telfoon kula soo xiriireen markii musiibada ka dhacday suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxa uuna xusay in ay uga tacsiyadeeyay dhibaatada suuqaasi ka dhacday.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Biixi in Ra’isul Wasaare Rooble si gaar ah ugu sheegay in ay kusoo wareejinayaan lacag baanka adduunka horey ugu deeqay Somaliland balse khilaaf ka taagnaa , lacagtaa uu sheegay in loo soo diray laguna caawinayo ganacsatada.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale u mahadceliyay ganacsatada magaalada Muqdisho uu sheegay in shir degdeg ah ay yeesheen lacago isaga uruuriyeen uguna deeqeen walaalahooda dhibaatada kasoo gaartay gubashada Suuqa Waaheen.
Dhibaatadii gubashada aheyd ee ka dhacday suuqa Waaheen ayaa noqotay mid si weyn uga damqadeen guud ahaan dadka Soomaaliyeed, waxaana hada socda gurmad iyo qaaraan uruurin loo sameenayo dadkii suuqaasi ku hanti beelay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com