Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Guddiga soo xulaya ergada dooraneysa kursiga HOP#140 oo caawa la shaaciyay

Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa caawa shaaciyay odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo xulaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#140 oo doorashadiisu ka dhaceyso magaalada Jowhar.

Kursigan caawa la shaaciyay guddiga soo xulaya ergada dooraneysa ayaa sannadihii lasoo dhaafay waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabduqaadir Cali Cosoble oo ah Musharax Madaxweyne sidoo kale mar kale doonaya in kursigan u tartamo.

Doorashada kursigan ayaan wali la ogeyn in ay noqon doonto mid furan sida kuraastii lagu doortay Baledweyje oo kale, waxaana musharaxiinta kursigan damaca uga jiro horey u codsadeen in doorashada kursugan noqdo mid furan oo lagu wada tartamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada federaalka oo diyaarinaya Mooshin kale oo ka dhan ah heshiiska dekeda Berbera

Caydiid Ali

Xulashada Xarumaha Dowladda ee Muqdisho iyo Bixinta Lacagaha Laaluushka !!

Cabdi Cade

Xabsi nuuc cusub ah oo dadka si iskood ah u tagaan si loogu xiro lacagna ku ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---