Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Musharaxiinta oo War kasoo saaray Go’aankii Rooble dalka uga eryay Madeira

Gollaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay kusoo dhaweeyeen go’aankii Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya dalka uga eryay wakiilkii midowga Afrika u joogay Soomaaliya Francisco Madeira.

Qoraalka kasoo baxay musharaxiinta ayaa lagu sheegay in go’aanka kasoo baxay Rooble uu ahaa mid loo baahnaa lagana fiirsaday ,waxa ayna musharaxiinta sheegeen in marar badan Madeira ka dalbadeen in dhax dhaxaad noqdo balse dhagaha ka fureestay.

Ugu Dambeyn gollaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay dardar gelinta jadwalka doorashada iyo dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka.

Related posts

Xukuumada Soomaaliya oo dirtay Qeylo dhaan iyo Baaq Wada jira

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse iyo Mike Hammer oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeneydii u horeysay oo loo doortay Gudoomiye ku-xigeenka Golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---