Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Ku simaha Madaxweynaha Somalia oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada..

.Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaaray Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Ahna ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Gudoomiyaha Golaha shacabka waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale.

Sida aan Wararka ku heleyno Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa inta uu joogo magaalada Baydhabo la kulmi doona Madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale qeybaha bulshada ee ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana ciidamo badan oo amaanka xaqiijinaya la dhigay wadooyinka magaaladaasi iyo halka ay ku taalo xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abshir Bukhaari oo sheegay inuu dacwad ka furayo dhalinyarada DF u qaaday Eritreya

Caydiid Ali

Mareykanka oo eryay safiir Afrikan ah oo lagu eedeeyay isir naceyb

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah xubnaha Mucaaradka oo ku biiray soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo ee Galmudug (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---