Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWSSOUTH WEST

Qoor Qoor iyo Xildhibaano la socday oo Baydhabo lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kuso dhoweyey Wafdi uu Hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Wefdiga Madaxweyne Qoor Qoor oo qeyb ka yihiin xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ayaa u tagay magaalada Baydhabo xal u helida khilaafka u dhaxeeya Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Laftagareen.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo xubnaha la socda ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulkaasi, waxa ayna labada dhinac kawada hadli doonaan xal u helida khilaafka taagan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay Ra’isul Wasaare Rooble in uu beegsaday Xildhibaanada Koonfur Galbeed una dhigtay isbaaro, waxa uuna Laftagareen ugu baaqay Xildhibaanada lagu doortay Koonfur Galbeed in aysan shahaadada xildhibaanimo qaadan .

Related posts

(Daawo Sawirro) Ing. Yariisow oo wareejiyey dhul Turkigu ka dhisayo xarun tababar oo casri ah

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo kala diray Golihii degaanka ee Magaalada Garowe (Akhriso)

Caydiid Ali

Jubbaland oo shaacisay iney la wareegtay Raaskamboni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---