Wafdi Xildhibaano ah oo uu horkacayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku wajahan galabta ama beri magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Xildhibaanadan oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Senator Dhagdheer iyo Sanbaloolshe ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo ay iska raaci doonaan Madaxweyne Qoorqoor iyo xubno kale.
Sida ay wararku sheegayaan wafdigan waxay Baydhabo u tagi doonaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhashay kuraas laga soo doortay K/galbeed Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay sheegeen in dib loogu celinayo doorashadooda, taasoo uu gadood ka sameeyay Maamulka Koofur Galbeed.
Wafdigan ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen, iyagoo kala hadli doona sidii soo afjari lahaa khilaafka taagan, lamana oga natiijada ay la soo laaban doonaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com