Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

James Swan oo kuraasta lagu muransan yahay kala hadlay Gudoonka guddiga FEIT (Sawirro)

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia James Swan ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka (FEIT), Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan Isla guddiga.

Muuse Geelle ayaa James Swan siiyey warbixin ku saabsan sida uu u socdo hannaanka doorashada Soomaaliya oo haatan heer gebogebo ah maraya

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa ku boorriyey inay xal u helaan arrimaha ku xeeran afarta kursi ee Guddigu aysan siin shahaadooyinka si doorashadu ay u dhammaato iyadoo aan dib u sii dhicin.

Kuraasta afarta ah ee guddiga doorashada federaalku celiyeen ayaa khilaaf adag ka dhex abuurtay Xukuumada uu hogaamiyo RW Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada K/galbeed iyo Hirshabelle.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xili xiisad cusub oo siyaasadeed ay ka dhex qaraxday madaxda sarre ee DF ka dib markii RW Rooble uu dalka ka ceyriyey wakiilka AU ee Somalia danjire Nicolad madeira taasoo uu ka soo horjeestay Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Isra’il oo dadkeeda uga digtay iney booqdaan Itoobiya Al-shabaab awgeed

Caydiid Ali

Magacyada dableydii dishay Askartii lagu laayay Ceelbaraf oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Shirkada Twitterka oo Gabi ahaan hawada ka saartay Ciwaankii Madaxweyne Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---