Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa Warbaahinta kula hadlay banaanka xarunta Maxkamada gobolka Banaadir kadib markii ay soo dhamaatay Maxkamadeyntiisa laguna waayay wax dambi ah.
Waxa uu sheegay C/raxmana C/shakuur in weerar gardaro ah lagu soo qaaday gurigiisa laguna dilay ilaaladiisa, waxa uu sidoo kale tilmaamay ciidamadii soo weeraray in ay bur buriyeen hantidiisa .
C/raxmaan C/shakuur ayaa u mahad celiyay dadkii ka dhiidhiyay xarigii loo geestay iyo weerarkii gurigiisa lagu soo qaaday, waxa uuna xusay in ay hada dhamaatay qeybtii hore ee Maxkamada ayna jiri doonto qeyb labaad sida uu sheegay.
”Waan u mahad celinayaa cid walbo oo i garab istaagtay kana dhiidhisay dhibaatadii la ii geestay, cidii igu been abuuratay beenteeda Maxkamada ayaa laga hor cadeeyay, cadaalada ayaana guuleesatay” Ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
C/raxmaan C/shakuur ayaa fariin u diray madaxda dalka ugu sareysa, waxa uuna u sheegay laga gudbay xilligii qori caaradii wax lagu maquunin lahaa, isla markaana aan dalka dib loo celinin khalalaase.
”Waxaan u sheegayaa Madaxda dalka taladeeda heysa waa laga gudbay xiligii qoray caaradiisa iyo awood dalka lagu maamuli lahaa, dalkan xili dhib dib loogu celiyo lama joogo, dastuur iyo sharciga ayaa ka shaqeeya ” Ayuu Yiri Mr C/raxmaan C Warsame.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa maanta si buuxda xuriyadiisa dib ugu helay kadib markii Maxkamada gobolka BanAadir ku weysay dambiyadii lagu soo eedeeyay ay kamid ahaayeen Qaran dumis.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com