Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa si adag uga jawaabay hadalkii xalay kasoo yeeray guddoomiyaha gollaha shacabka ee waqtigiisa dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh .
Maxamed Mursal ayaa xalay sheegay in xildhibaanada gollaha shacabka ee dooran aan la dhaarin karin ilaa xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in Maxamed Mursal uusan xaq u laheyn ka hadalka kuraasta dib loo celiyay, waxa uuna layaab ku tilmaamay in siyaasi beel kale ka soo jeedo uu afka la galo ka hadalka kuraas beelihi lahaa faraqa heystaan.
”Dooda kuraasta FEIT ay dib u celisey waxa ay quseysaa beelaha sida gaarka ah u leh kuraasta ee gudiga qaran u gudbiyay cabashooyinkooda,waxaa la yaab leh in siyaasi beel kale ka soo jeedo uu afka la galo ka hadalka kuraas beelihi lahaa faraqa heystaan, xilli isagu uusan meel ku sheegin kuraasti la xijinaayay” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in afka koonfur galbeed ku hadli karo oo kaliya qof xur ah oo ugu yaraan kursiga uu ku fadhiyo u madaxbanaan sida uu tilmaamay wasiirka gaashaandhiga.
Guddoomiyaha gollaha shacabka iyo Wasiirka gaashaandhigga ayaa mar ahaa saaxiibo aad isugu dhaw, hasa ahaatee labada masuul ayaa siyaasad ahaan kala tagay lana kala saftay Farmaajo iyo Rooble.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com