Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Imaaraadka oo Deeq Raashin ah ku wareejisay dowladda Soomaaliya (Sawirro)

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaan mar kale magaalada Muqdisho soo gaarsiisay deeq raashin gargaar oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadku abaaruhu saameeyeen iyo dadka kale ee danta yar.

Wasiirka gargaarka xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dowladda Imaaraadka kala wareegeen 26-Kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee raashiinka.

Deeqdan raashinka ah ee ku deeqday dowladda Imaaraadka waxaa si rasmi ah ula wareegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka XJFS Mudane Axmed Abuukar Axmed.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa horey Soomaaliya usoo gaarsiisay deeq raashiin ah oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee abaarta daran ee dalka ku dhufatay saameynta ku yeelatay.

https://www.youtube.com/watch?v=czcrwJNHUJA&list=PL0RoG4dbLUa86ZhMfW5G-io8ceJx5nXBx&index=6

Related posts

Xiliga la qabanayo Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Xildhibaan Bootaan oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la heshiiyay Senator Saalax Axmed kana laabtay go’aankii hore

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur oo wakiilnimadii kala laabtay Qareenadiisa & dhegeysiga dacwadiisa oo dib loo dhigay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---